Home Wararka Somaliya Somaliland Faysal Cali Waraabe oo si adag uga jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray...

Faysal Cali Waraabe oo si adag uga jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

0

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ciidanka Somaliland aysan marnaba kasoo bixi doonin Laascaanood, taasi oo ugu baaqay Deni, si ay u kala badbaadan.

Waraabe oo ka jawaabaya hadalkii Deni ee ahaa “Somaliland ciidankeeda haka qaado Laascaanood,” ayaa sheegay in ciidankooda aan la qaadayn in ay sii socdaan mooyee, sid uu hadalka u dhigay.

“Saciid Deni ciidamada ka qaada ayuu yidhi Laascaanood, ka qaadi maynee balanteenu waa Yoocada, hadad joogi waydana waa inoo Garoowe,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Deni ayuu sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in dhibaatada Laascaanood ka dhacday uu masuul ka yahay, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu Laascaanood ka barakaciyay dadkeedii.

“Laascaanood waa ka nolol fiicnayd Garoowe iyo Boosaaso, laakiin (Deni) ayaa dadkeedii barakiciyay,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Ugu dambeyntiina waxa uu dadka reer Laascaanood ugu baaqay inay nabada qaataan, isaga oo sheegay in aanay jirin faa’iido ay dadka Laascaanood ka heli karaan maamulka Puntland, oo si weyn isku hayaan xukuumadda Somaliland.

Deni ayaa shalay ku goodiyay haddii ay Somaliland ka dhaga fureysato baaqaas ay si toos ah ula safan doonaan ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ee ku sugan magaaladaasi.

“Dowladda Puntland waxay si aan qarsoodi lahayn u garab-istaagi doontaa shacabka reer SSC haddii maamulka Muuse Biixi Cabdi uu ka dhega-fureysto baaqyadda Golaha Ammaanka iyo inta nabada jecel oo ah in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo dul qaadan karin dhibaato u sheegay in Somaliland ay ku heyso dadka reer Laadcaanood.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana ciidamada labada ay haatan isku horfdhiyaan duleedka magaalada , gaar ahaan aagga dhaanka xerada Goojacadde.

Ad
Previous articleKooxda Daacish-ta Soomaaliya oo dardar-gelisay ololaha ay lacagta baada ah uga qaadaneyso ganacsatada maamulka Puntland
Next articleNinkii uu ka guuleystay Erdogan oo shaqada ka ceyriyay dhammaan lataliyeyaashiisii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here