Home Wararka Maanta Madaxweyne Macron oo sheegay in danjiraha dalkiisa uu sii joogi doono Niger

Madaxweyne Macron oo sheegay in danjiraha dalkiisa uu sii joogi doono Niger

0

Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa sheegay in danjiraha dalkiisa uu sii joogi doono Niger, inkastoo ay cadaadis kala kulmayaan ciidamada militariga ee dalkaasi

Macron waxa kale oo uu ku celceliyay in Faransiisku uu taageerayo madaxweynihii la afgambiyey ee Niger Mohamed Bazoum.

“Waxaan u maleynayaa in siyaasadeenu ay tahay midda saxda ah, waxay ku saleysan tahay geesinimada madaxweyne Bazoum, iyo ballanqaadyada safiirkeena ee goobta jooga” ayuu yiri Macron. .

Milateriga Niger oo afgambi kula wareegay talada 26-kii July, ayaa sheegay inay ku amartay safiirka Faransiiska Sylvain Itte inuu dalka uga baxo 48 saacadood gudahood.

Macron waxa kale oo uu meesha ka saaray baaqyo ka soo yeeray Maraykanka iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub oo ku baaqayay in quwadaha reer galbeedka ay faraha kala baxaan Bazoum.

“Ma aqoonsanin kuwa fuliyay xukunka, waxaan taageersanahay madaxweyne aan xilka ka degin, ka sakowna waanu ku hawlanahay,” ayuu yiri Macron.

Ururka ECOWAS ee ugu weyn Galbeedka Afrika ayaa isku dayayay inuu la xaajoodo hogaamiyayaasha afgambiga Niger, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan si ay u soo celiyaan nidaamka dastuuriga ah haddii ay fashilmaan dadaallada diblomaasiyadeed.

Dhinaca kale ciidamada Niger ayaa hareereeyey safaarada Faransiiska ee magaalada Niamey, iyagoo ka careysan sababta uu safiirka ugu hogaansami waayey amarkoodii ahaa inuu dalkaas kaga baxo 48 saacadood.

Waxaa laga cabsi qabaa iney isku dhacaan ciidamada Niger iyo kuwa faransiiska ee ilaalada ka haya safaaradooda, iyadoo guud ahaan ay dalka Niger Joogaan askar ka badan 1,500 oo faransiis ah.

Ad
Previous articleMasuuliyiinta Hindiya oo xiray iskuul lagu dharbaaxay wiil Muslim ah
Next articleTaliye Shaahmacabe oo nolol iyo Geeri lagu la,yahay kadib Dagaalkii Cuslaa ee Cowswayne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here