Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Si Adag uga Hadlay Wixii ka Dhacay Xerada...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Si Adag uga Hadlay Wixii ka Dhacay Xerada General Gordan

0

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraadka ee  caawa ku dhawaacmay toogasho uu fuliyey mid ka mid ag askartii layu tababaray Xerada Janaraal Goordan ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faray laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaas.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Xogta ay Caasimada Online ka heshay weerarkaas waxay sheegeysaa in labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta lagu dilay weerarka, halka labo kale lagu dhaawacay.

Wararka ayaa sheegaya in askarigii falkaas geystay goor dambe lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo ciidankii uu la tababartay ee masuulka ka ahaa amniga xerada.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay saraakiisha Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jenaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla, islamarkaana halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka. Si madax-banaan looma xaqiijin karo sheegashada Al-Shabaab.

Ma cadda inay dhab tahay sheegashada kooxda Al-Shabaab oo weerarkaas ay ku lugleedahay, balse arrintaan ayaa halis ku ah dhismaha iyo tababarrada ku socda ciidamada qaranka, waxayna abuuri kartaa kala shaki weyn.
Ad
Previous articleDowlada imaaraadka oo War kasoo Saartay Saraakiishii looga Laayay Muqdisho
Next articleAlshabaab oo Hoobiyayaal ku Garaacay Camaara iyo Dad ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here