Home Wararka Maanta Senator Muuse Suudi Yalaxow oo dalbaday in Mahad Salaad horyimaado baarlamaanka

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo dalbaday in Mahad Salaad horyimaado baarlamaanka

0

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa kulankii maanta waxa uu guddoonka ka dalbaday in loo yeero agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad.

Senator Muuse Suudi ayaa waxa uu sheegay in sharciga NISA laga doodo iyada oo goobjoog uu yahay agaasimaha hay’adda, islamarkaana wax lag weydiiyo qoddobada u baahan fasiraad dheeraad ah.

“Ha la hubiyo hay’addaan hana yimaado ninka agaasimaha iyo taliyaha ka ah maalmaha la hadlaayo oo goobjoog ka ahaado, yaan sibiq dadka ku galin,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

“Kaligeen in aan doodno waa iska fiican tahay laakiin waxba dhiman. Guddoomiye hay’addan inay hay’ad muhiim ah in ay tahay waa la sheegay laakiin waxay muhiim tahay haddey shaqadeedu toosan tahay, haddii shaqadeedu qaloocan tahay waa fidno.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sharciga NISA uu golaha shacabka kasoo gudbay iyada oo dood ka taagan tahay, sidaas darteed ay tahay in si fiican ay iskaga akhriyaan mudaneyaasha golaha Aqalka Sare.

“Waxaa ku jira sharcigeeda ninkaan hay’adda ka tirsan (agaasimaha) anaga naga xaasaanad badan yahay, waxaa ku taalla korkiisa lama taaban karo, lama xiri karo. Xataa maxkamadda la geynayo maxkamad qarsoodi ah ayaa lagu xukuma.”

Waxa kale oo uu intaas kusii daray “Buugaan waxa ku qoran wax iska culus waaye aad ha loo akhriyo. Guddoomiye buugan xoog ha loo akhriyo, madaxda ka maqan ha timaado. Ninka hay’adda madaxda ka ah ee taliyaha guud iyo agaasimaha isku noqonaya ha fadhiyo oo ha loo sheego wixii la saxayo.”

Ad
Previous articleCiidamo Ka Wada Tirsan Dowlada oo Maantay Ku Dagaalamay Magaalada Muqdisho
Next articleDiblomaasi Israa’iili ah oo banaanka loogga saarey shirka Midowga Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here