Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada Federalka oo Duullaan ku ah labo deegaan iyo Shacabka oo...

Ciidamada Dowlada Federalka oo Duullaan ku ah labo deegaan iyo Shacabka oo loogu baaqay in ay ka baxaan

0

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa qoresheenaya in duullaano ku qaadaan deegaanno dagaalyahanada Al Shabaab ka joogaan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in ay qorsheenayaan in Al Shabaab gabi ahaan ka saaraan gobolka Hiiraan, waxa uuna hadda cadeeyay in ay kusii jeedaan labo deegaan oo Al Shabaab ka joogaan gobolkaasi.

Cali Jeyte ayaa sheegay in hadda gulufkooda ku wajahan yahay deegaannada Ceel God iyo Ceel Boore oo ay maamulaan Al Shabaab, waxa uuna ugu baaqay guddoomiyaha dadka shacabka ah in ay isaga baxaan deegaannadaasi kana fogaadaan Al Shabaab.

“Waxaan rabaa sida madaxweynaha jamhuuriyaddu ugu dhowaaqay deegaamada ay dagan yihiin nimankan shayaadiinta ah ee Al-Shabaab in laga fogaado. Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay nimankaa joogaan waa inay ka fogaadaan, qaasatan deegaanka Ceel God, Ceel Boore iyo meelaha la mid ah” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte.

Waxa uu sheegay guddoomiye Cali Jeyte in ujeedkoodu uusan aheyn in ay dhibaateeyaan ama qaxiyaan dadka shacabka ah, balse iyagu doonayaan in ay ka dul qaadaan shacabka dhibaatada joogtada ah ee ku hayaan Al Shabaab.

Gobolka Hiiraan oo uu ka bilowday kacdoonka ka dhanka ah Al Shabaab ayaa laga saaray qeyb o badan oo kamid ah gobolkaasi, waxaana hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka qorsheenayaan in Al Shabaab ka saaraan goobaha ay wali ka joogaan gobolka.

Ad
Previous articleDarawalkii Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo Alshabaab ugalay iyo Gudomiye Maxmed Mursal oo Ka Hadlay
Next articleRag Ka Tirsan Shabaab Oo Qaarna Ladilay Kuwa kalana nolosha Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here