Home Wararka Maanta Donald Trump oo sheegay haddii dib loo doorto 2024 inuu diidi. Doono...

Donald Trump oo sheegay haddii dib loo doorto 2024 inuu diidi. Doono qoxootiga ka imaanaya Qasa, Suuriya, Soomaaliya, Yaman yo Liibiya

0

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in haddii dib loo doorto 2024 in uu diidi doono qoxootiga ka imaanaya Marinka Qasa.

Hadal uu ka jeediyay gobolka Iowa ayuu ku soo qaaday weerar kii Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7 October, halkaas oo boqollaal israa’iiliyiin ah lagu dilay.

Trump ayaa wacad ku maray inuu ballaarin doono xayiraaddiisii dhinaca socdaalka ee uu soo rogay intii uu xilka hayay, isagoo sheegay in wadamo kale oo bariga dhexe ah uu ku dari doono.

“Qofna kama keeni doono Qasa, Suuriya, Soomaaliya, Yaman, Liibiya ama meel kaleba taas oo khatar ku ah amnigeena,” ayuu yiri Trump.

“Waxan si dhakhso ah u soo celinayaa, una ballaarinayaa qorshii guuleystay ee xanibaadda safarka ee aan ku soo rognay wadamada argagixisada taageera iyo meelaha gabaadka u ah,” ayuu yiri Tump.

Madaxweyne Joe biden ayaa markii la caleemo saaray wareegto ku baabi’iyay xayiraaddi safarka ee uu Trump ku soo rogay wadamo muslimiin ah.

Ad
Previous articleWasiirkii Dhawaan Uu Qoor Qoor Xilka Ka Qaaday Sir layaab leh kashifay
Next article21,713 ardey oo Soomaali ah oo Galay Imtixaanka Dugsiga Sare oo ay ka Baastay kaliya 74 arday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here