Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Turkiga (Sawiro)

Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Turkiga (Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, isaga oo ku dhiirrigeliyey in ay ka faa’iideystaan fursadaha ganacsiga, waxbarashada iyo maalgashiga ee ka jira dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, horumarrada ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo qorsheyaasha laga dhur-sugayo, isaga oo ganacsatada iyo jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Turkiga ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen.

Dhankooda, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga war-bixiyey xaaladda bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, iyagoo la wadaagay dareenkooda ku aaddan baahiyaha ay qabaan jaalliyaddu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xubnaha jaalliyadda ee ka soo qayb galay kulanka iyo kuwa kale ee ay u saamixi weydey xaaladda COVID-19-Ku kula dardaarmay in ay midoobaan, isna caawiyaan, sidoo kale na ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo si weyn u soo dhoweeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan.

Kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Moowlid Xuseen Guhaad,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Caydiid Maxamed.

Ad
Previous articleHogaamiyaasha Soomaaliya iyo Liibiya oo Kulan Muhiim ah yeeshay (Sawiro)
Next articleDagaal Ka dhacay magaalada gaalkacyo iyo Faahfahn kasoo baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here