Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu danbeeyey Dagaalkii U Dhaxeeyey Ahlusuna iyo Galmudug iyo Qasaaro Dhimasho...

Wararkii ugu danbeeyey Dagaalkii U Dhaxeeyey Ahlusuna iyo Galmudug iyo Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhashay Dagaalkaas

0

Inta la xaqiijiyay 6 Askari ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay degaanka Balli Birre oo 14 km dhanka Waqooyi ka xiga Dhusomarreeb ay u galeen Ciidamo katirsan Dowladda oo watay Gaadiid dagaal kana baxay xarunta Madaxtooyadda ee Dhusomarreeb kuwa oo doonayay Askar la soo xiriirtay oo sheegay in dhanka Ahlusunna kasoo goosteen hase ahaatee isku badalay Weerar dhabo gal ah.

Xogta ayaa intaa ku dareysa in Ciidanka Ahlusunna ay gubeen Mid kamida 2 da Gaari oo ay wateen Ciidamadda Dowladda ayna qaateen Qorigii ku xirnaa iyo 2 qoro oo Dabajeex ah.

Ciidamadda Dowladda oo iska caabin sameeyay markii uu Weerarkan qabsaday ayaa xogta sheegeysaa in Gaariga labaad oo wali gacantooda ku jiro.

Xogaha isa soo taraya ayaa xaqiinaya in tirada dhimashadda iyo dhaawaca ee labadda dhinac soo gaartay ay kasii badan karto inta hadda la xaqiijiyay madaama ay jiraan Askar aan xog laga heyn Nolol iyo Geeri.

Ad
Previous articleSacuudiga oo Gantaalo Culus lagu Garaacay
Next articleGalmudug,Puntland, Jubaland iyo Koonfurgalbeed oo Guryo kusoo Xirtay Xildhibaanadii aysoo Doorteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here