Home Wararka Maanta Dalka Koonfur Africa oo Labo Wiil Walaabo ah midna lagu dilay midna...

Dalka Koonfur Africa oo Labo Wiil Walaabo ah midna lagu dilay midna lagu dhaawacay

0

Kooxo burcad ah oo u dhashay dalka Koofur Afrika ayaa caawa dilay dil iyo dhaawac ugu geystay magaalada Cape Town labo wiilal walaalo ah oo Soomaaaliyeed

Rag hubeysan ayaa dukaankooda ugu galay wiilashan Soomaalida ah xili ay ku guda jireen howlahooda ganacsi, iyagoo dilay Axmed Macalin Jimcaale, halka ay dhaawaceen walaalkiis ka weyn Maxamed Macalin Jimcaale.

Weerarkan ayaa ka dhacay Xaafadda Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

“Dukaanka Saddex Wiil ayey ku joogeen, Tuugada oo shan nin ahaa ayaa iyagoon qofna wax weydiinin xabadaha ku asqeeyey dukaanka, taasoo haleeshay Axmed oo halkaas ku dhintay iyo Maxamed oo hadda yaalla Isbitaalka Kraaifontein, waxayna burcada dhaceen lacagihii Dukaanka yiilay” ayuu yiri mid kamida Ganacsatada tagay goobta ay dhacdadu ka dhacday.

Booliska dalka Koonfur Afrika oo goobtaas gaaray wax yar ka dib ayaa wada baaritaano, iyadoo kooxdii burcada aheyd ay goobta goor horeba ka baxsadeen.

Ad
Previous articleGuud ahaan Dunida islaamka oo Maanta si isku mid ah Looga Ciidayo
Next articleDagaalka Gobolka Mudug oo guul ku dhow hadii aysan Dowlada joojin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here