Home Wararka Somaliya Somaliland Xamse Yuusuf Maxamed oo Sixir Hanti Badan uga Dhacay Dad ku nool...

Xamse Yuusuf Maxamed oo Sixir Hanti Badan uga Dhacay Dad ku nool Hargaysa oo lasoo Qabtay iyo Waxyaabo Yaableh oo uu isticmaali jiray(Sawiro)

0

Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeya Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay nin sixir ku dhici jiray shacabka magaaladaasi.

Ninkan lagu magacaabi Xamse Yuusuf Maxamed ayaa Booliska uu sheegay in qaab sixir ah uu ku dhacay hanti fara badan, isla-markaana dabagal dheer kadib lasoo qabtay.

“Ciidanka Booliska JSL gaar ahaan saldhiga dhexe iyo qaybta xuuraanka oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Xamse Yuusuf Maxamed oo qaab sixir ah dadka uga dhacaayay Hantidooda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska Booliska.

Xamse Yuusuf  oo ah eedeynaha lasoo qabtay ayaa laga soo xiray  hoteel ku yaalla bartamaha Hargeysa, waxaana lasoo bandhigay Baastoolad, Dahab iyo Maar isku jira, Geed sixir ah moobeelo iyo agabyo kale oo yiilay qolka uu ka daganaa hoteelka.

“Eedaysanahan oo mudo ku dabo jireen ciidankan Boolisku waxay so qabteen isagoo ku sugan mid ka mid ah huteelada magaalada Hargeysa oo uu daganaa mudo laba sano ah, waxaana isla gobtii lagu tagay Baastoolad,Dahab iyo Maar isku jira,Geed sixir ah, 17 mobile oo noocaya yar yare ee dan ka hadasha ah,5 xabo oo nooca smart phone ka ah, 27 shanadood oo nooca dumarku gacanta ku qaataan, Aqoonsiyo kaadhka dhalashada Somaliland Iyo Document kale,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ee taliska Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu muddo labo sano ah daganaa hoteelka laga soo qabtay, taas oo dad badanla yaab ku noqotay.

Ugu dambeyn Booliska magaalada Hargeysa ayaa fariin u diray shacabka ay maqan yihiin alaabta tirada ee lagu soo qabtay ninkaasi, ayadoo loogu baaqay inay yimaadaan taliska

“Fadlan Cidii garata Alaabtaasi ee ay ka maqanyihiin ha la xidhiidhaan Xafiiska Baadhista Saldhiga dhex Ee Hargeysa,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Booliska Somaliland.

Dhacdaan ayaa la yaab ku noqotay, waxaana aad loogu baahayay baraha ay ku wada xiriirto bulshada oo ay su’aallo isku weydiinayay inta badan dadweynaha.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo Qanciyay Tabashadii Beesha Xawaadle
Next articleP.M Xamza oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab ah iyo dalal kusoo biiraya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here