Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo lagu Magacaabay Khaalid bin Waliid oo Loo Diray Galmudug iyo Hirshabeele

Ciidamo lagu Magacaabay Khaalid bin Waliid oo Loo Diray Galmudug iyo Hirshabeele

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee ciidanka XDS kuwaasoo ku biiraya furimaha dagaalka ee ka dhanka ah Al-shabaab

Wasiirka ayaa ciidamada kula dardaarmay dar-dargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo ciidamada u sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu la mid yahay kii Gumeysiga la isaga dul qaaday, inta howlgalka ay wadaan ayuu ciidamada faray in Bulshada ay kula dhaqmaan si wanaagsan oo ay u dhimriyaan.

“Waxa aad heysataan ee Gadiidka iyo hubka waa Hanti qaran, suurgal ma ahan in aad dayacdid oo inta khawaarij ay qaadato dib shacabka ugu dhibaateeyso, gobonimadeenno waa haaf inta ay khawaarj dalka nala joogto adduunkana noo aqoonsanyahay in aan dhameystirneen” sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale ku dheeraaday dhibaato uu sheegay in Al-shabaab mudda dheer ku heysay shacabka Soomaaliyed, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka Al-Shabaab dalkana guud ahaan laga sifeyn doonno.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Alshabaab Badan ku laayay Weerar Culus oo ay Qaadeen(Sawiro)
Next articleWariye meydkiisa laga helay gobol ku yaalla Mexico laabtiisana farriimo lagu qoray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here