Home Wararka Somaliya Jubbaland Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday Saldhiga...

Wararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday Saldhiga Ciidanka Dowlada ee..

0

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin degaanka Geedweyne oo hoostaga degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Sida wararku sheegayaan Al-shabaab ayaa sida looga bartay waaberigii saaka gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay wadeen eag ismiidaamiyeyaal ah waxay ku weerareen xeradaas, waxaana ka dib xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada dowlada ee xeradaas ku sugnaa iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday.

Goob-joogayaal ku sugan degaanka Geed-weyne ayaa sheegay in dagaalku uu socday ku dhawaad saacad la iskuna adeegsaday hubka culus oo si weyn looga maqlay degaanada ku dhow halkaas.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah leh ayaa ka dhashay dagaalkaas inkastoo aan weli laga helin faahfaahin rasmi ah, rasaas goos goos ah ayaana weli laga maqlayaa degaanka Geed-weyne.

Ad
Previous articleDambiile la raadinayey oo muuqaal mahadcelin ah usoo diray boolis uu sheegay inuu usii digey
Next articleTurkiga oo Soo SaaraybGo,aan ka Nixiyay Soomaalida ku nool Dalkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here