Home Wararka Maanta Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun adag ku ridday saddex kamid...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun adag ku ridday saddex kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo lasoo qabtay iyaga oo dhaawac ah

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag ku ridday saddex kamid ah xubnaha Al-Shabaab oo lasoo qabtay iyaga oo dhaawac ah, soona galay gacanta dowladda dhexe oo haatan dagaal kula jira kooxda.

Saddexda xubnood oo kasoo qayb qaatay dagaallo kala duwan ayaa lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ciidan ah , sida ay sheegtay maxkamadd ciidamada.

Hoose ka akhriso:-

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa lagu soo eedeeyay Kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Khawaarijta gaar ahaan Kuwa duur galka ah.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow ayaa Maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020 isaga oo tababar socday Sadax bilood ku soo qaatay baadiyaha deegaanka Buulla-falaay Degmada Diinsoor iyadoo labaray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol iyo Konton kale  ayaa  loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cabdi Yare ayaa qayb ka ahaa dagaal ciidanka Xooga dalka ay kula galeen Abooreey isaga iyo Toban kalana ay ku dhaawacmeen.

Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey)  ayaa maleeshiyada kaga biiray gobalka Bay, Tababar socday sedax bilood ayuu ku soo qaatay baadiyaha Buulla-Falaay ee degmada Diinsoor waxana la soo baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii kedib isaga iyo 150 Argagixiso ah waxaa loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cumar Cusmaan ayaa qayb ka ahaa Dagaallo Ciidanka deegaanka ay kula galeen  Afcad iyo Qorfo oo  Hiiraan ah halkaasina uu ku dhaawacmay.

Cali Cabdullahi Cali (Cawil) ayaa maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020, waxa uu tababar socday sedax bilood ku soo qaatay Duleedka Bu’aalle halkaas oo lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol Toban iyo Shan Khawaarij ah ayaa loo daabulay Hiiraan, waxa uu qayb ka ahaa Dagaallo lala galay Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo ka dhacay Ceel Axmed, Budbud iyo Ceel Hareeri halkaas ayuuna ku dhaawacmay.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa laga soo qabtay iyagoo saaran gaari Layla calaawi ah deeganka CadCadey ee Shabeellada Dhexe,waxa ayana mushaar ahaan u qaadan jireen 60$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay, Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) Min 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xassan Cali Nur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Ad
Previous articleRagii Xalay Afduubtay Hadana Dilay Ganacsade Abuukar Axmed Kabax oo la Aqoonsaday
Next articleHeshiikii Turkiga ee Difaaca Badeena oo Si Rasmi ah u Dhaqan Galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here