Home Wararka Maanta Mareykanka oo digniin adag hawada u mariyey hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi

Mareykanka oo digniin adag hawada u mariyey hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi

0

Mareykanka ayaa wacad ku maray in la raadin doono dal Kuuriyada Waqooyi la yiraahdo haddii Taliska Pyongyang ay Hubka Nukliyeerka ku weeraraan xulafada Mareykanka ee Gobolka.

Washington ayaa digniintan hawada u marisey Kuuriyada Waqooyi xili labada Kuuriya ay maalmihii lasoo dhaafay madaafiic isku waydaarsadeen biyaha gacanka Kuuriya.

Hogaamiyaha aan jixin jixin ee Kuuriyada Waqooyi ayaa laga cabsi qabaa inuu si kadisa weeraro Nukliyeer ah ugu qaado Kuuriyada Koonfureed iyo Japan oo xulafo dhow la ah Mareykanka.

Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin iyo Wasiirka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed Lee Jong-sup ayaa ka dib kulan ay ku yeesheen xarunta wasaaradda difaaca ee Maraykanka, waxay si wadajira u soo saareen bayaan ay si adag ugu cambaaraynayaan tallaabooyinka milateri ee ay qaadayso Kuuriyada Woqooyi, oo ay ku jirto tijaabada gantaallada iyo madaafiicda kala duwan.

Labada wasiir ayaa sheegay in haddii Kuuriyada Woqooyi ay u isticmaasho nooc ka mida hubka nukliyeerka, deriskeeda Seoul ama dalalka kale ee gobolka sida Japan, inay taasi noqonayso, dhammaadka xilliga maamulka Kim Jong Un, waxaana ay sheegeen inay ka bixin doonaan jawaab isku dhaf ah.

Kuuriyada Woqooyi ayaa waxay ridday in ka badan labaatan gantaal, labadi maalmood ee la soo dhaafay, taasoo jawaab u ahayd dhoolatuska milateri ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo bilawday Isniintii.

Tijaabooyinkan gantaallada ee ay samaysay Kuuriyada Woqooyi ayaa ahayd kuwo fariin loogu dirayey Kuuriyada Koonfureed, taasoo keentay in qaybo ka mida shacabka dalkaasi inay ku cararaan goobaha dhulka hoostiisa ah.

Ad
Previous articleDabley Hubaysan oo Toogatay Marxuum Cabdiraxmaan Cali Malaay
Next articleFaahfaahin: Alshabaab oo Weerar Ismiidaamin ah ku Qaaday Masaajidka Cali Gaduud ee Dhawaan laga Qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here