Home Wararka Maanta Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo ka Hadlay Kiiskii Wasiirka Arimaha Dibeda...

Hanti dhawrka Guud ee Qaranka oo ka Hadlay Kiiskii Wasiirka Arimaha Dibeda Dowlada Soomaaliya

0

Xafiiska Hanti dhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud macluumaadka baaris uu ku sameeyay kiis la xiriiray markab dhuxul sida oo lagu xannibay Saldanada Cumaan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble uu dhowaan shaqada ka joojiyey Wasiirka arrimaha dibeda Cabdisaciid Muuse Cali oo uu ku eedeeyey inuu fasaxay markab dhuxul sharci daro ah ka qaaday Somalia oo gaaray dalka Cumaan.

Rooble ayaa sidoo kale ka codsaday Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka inuu baaritaan ku sameeyo dhacdadan.

Ad
Previous articleAskar boolis ah oo Dhibadan ay ku Qabeen shacabka Muqdisho oo lalaayay
Next articleXiddiga soo baxaya: Maxay tahay abaalmarinta uu Sharma Boy uga guuleystay fannaaniinta Afrika?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here