Home Wararka Maanta Maxay Maraakiibta dagaalka ee Ruushka u tageen Eritrea

Maxay Maraakiibta dagaalka ee Ruushka u tageen Eritrea

0

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa maanta soo gaaray dekadda Massawac ee dalka Eritrea sida uu Sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Yemane Gebremeskel.

Markabkan ka tirsan raxanta maraakiibta Baasifigga oo la yiraahdo Marshal Shaposhnikov wuxuu u yimid Battah oo Mussawac ka tirsan sidii loo xusi lahaa sannad guurada 30aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Ruushka iyo Eritrea, waxayna warbixintu sheegtay inuu shan maalmood halkaa joogi doono.

Maraakiibtaas waxaa la socda markabka dheereeya ee Yaryag ee Ruushku leeyahay.

Dhowr markab oo kuwa dagaalka ah oo Ruushku leeyahay ayaa ka gudbay marinka Baabul Mandab ayagoo ku sugan badda cas, sida lagu sheegay hadal qoraal ah oo ay soo saareen raxanta maraakiibta Ruushka ee Baasifigga.

Qaar ka mid ah madaxda ciidamada Eritrea iyo safiirka Ruushka u fadhiya dalkaas ayaa ka hortegey.

Xilliga ay maraakiibta Ruushka soo galeen marinka Baabul Mandab ayaa ah xilli ay Xuutiyiinta Yemen wadaan weerarro ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga.

Bishii November ayaa Xuutiyiintu waxay bilaabeen weerarradaas ay ku qaadayaan maraakiibta ganacsiga, ayagoo sheegay inay jawaab u tahay hawlgalka milateri ee Israa’iil ay ka waddo Qasa.

Tan iyo wakhtigaas kooxdu waxay qaadday tobanaan weerar oo ay ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey badda cas, halkaasoo ah marin aad u mashquul badan oo ay maraakiibtu maraan.

Bishii Janaayo ayaa maraakiibta dagaalka iyo dayaaradaha Maraykanka iyo Britain waxay iyaguna bilaabeen in ay garaacaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta, ka dib markii Xuutiyiintu ay bilaabeen inay soo qaadaan weerarro ay u adeegsanayaan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah iyo gantaallo.

Labada madaxweyne ee Eritrea iyo Ruushka, Isaias Afewerki iyo Vladimir Putin waxay kulankoodii ugu horreeyey yeesheen bishii May, tan iyo markii ay dib u soo ceshteen xiriirka diblomaasiyadda 30 sano ka hor.

Eritrea oo go’doomin iyo cadaadis kala kulmaysay reer galbeedka ayaa aad u adkaynaysay xiriirka ay Ruushka la leedahay.

Waxay ka mid tahay seddexda dal ee kaliya eeka soo horjeestay qaraarrada Qaramada midoobay ee lagu cambaareynayo ruushka weerarka uu ku qaaday Yukrayn, waaxana dalka kaliya ee Afrikaanka ah ee diiday.

Ruushka dhankiisa ayaa ah dal aad uga soo horjeeda xayiraadaha iyo warbixinnada xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah Eritrea marka la joogo fagaarayaasha caalamka.

Eritrea mar kasta waxay u arkaysay joogitaanka milateriga reer galbeedka ee gobolka mid shaki leh. Waxayna iminka sii xoojisay xiriirka aadka u dhow ee ay la leedahay Ruushka.

Warbaahinta Bloomberg ayaa todobaadkii hore laga soo xigtay in Ruushka iyo Shiinaha ay heshiis la galeen falaagada Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto in aysan soo weerarin maraakiibtooda gobolkaas ku sugan, laakinse waxaan caddayn hawlgalka ay maraakiibta Ruushku u yimaadeen badda cas iyo waajibaadka la siiyey waxa ay yihiin.

Ad
Previous articleMaxkamada Caalamiga ah ee ICJ oo Go,aan Ka nixiyay israil Duldhigtay
Next articleDowlada Soomaaliya oo War Hor leh oo sii kicinaaya Xiisada Wax ka Badalka Dastuurka Soo saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here