Home Wararka Maanta Al-shabaab oo xukun dhagax-ku-dil ah ku fulisay hooyo ku eedeysnayd in ay...

Al-shabaab oo xukun dhagax-ku-dil ah ku fulisay hooyo ku eedeysnayd in ay 11 nin xaas u ahayd

0

Boqollaal kamid ah dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaal magaalada Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose si ay u daawadaan xukunka ay fulinayeen Al-shabaab.

Warbixin lagu daabacay mareeg kooxdaasi ay maamusho ayaa lagu sheegay in garsoore ka tirsan Al-shabaab uu sheegay in hooyo lagu magacaabo Shukri C/laahi Warsame ay soo guursaday ilaa 111 rag ah, ayadoo mareegtaasi ay qortay in lagu xukumay in dhagax lagu dilo.

“Shukri Cabdullaahi oo 30 jir ahayd ayaa guursatay 11 nin, waxaana ka dhintay hal nin mid kalana wuu furay, iyadoo haatan si qarsoodi ah xaas ugu ahayd 9 Nin sida laga sheegay goobta uu ka dhacay xukun oo ay usoo daawasho tageen dad badan oo ku dhaqan Sablaale,” ayaa lagu qoray Boggaasi.

Qaadigii xukunka ku riday ayaa sheegay in Shukri ay qiratay danbiga loo soo qabtay ee ahaa in ay xaas u noqotay 11 rag ah.

Shurki C/laahi oo maanta lagu fuliyay xukunka dhagax-ku-dilka ah ayaa hooyo u ahayd 8 carruur ah oo 7 kamid ah ay u dhashay ninkeedii ugu horeeyay.

W/Q Maslah Ahmed Sahal

Ad
Previous articleHogaamiye ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Weerar ay Fuliyeen Dowlada iyo Ciidanka Amison
Next articleDowlada oo ka hadashey Wariye lagu dhaawacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here