Home Wararka Somaliya Galmudug Sawiro: Duqa Degmada Gaalkacyo oo Muqdisho kula kulmay Maamulka Gobolka Banaadir

Sawiro: Duqa Degmada Gaalkacyo oo Muqdisho kula kulmay Maamulka Gobolka Banaadir

0

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Oo Hawlo Shaqo u jooga Muqdisho ayaa booqasho ku tagay Xafiiska Maamulka Gobalka Banaadir wuxuuna Halkaasi kula Kulmay oo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish ) iyo Gudoomiye Ku xigeenada Amniga iyo Siyaasadda iyo Ku Xigeenka Arimaha Bulshada.sidoo kale waxà kulanka ku wehliyay Gudoomiyaha Degmada warta-nabada Marwo Zainab Xaabseey.

Maayarka iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka wada hadlay sidii ay isku kaashan lahaayeen Maamulka Gobalka Banaadir iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo wuxuuna Duqa Degmadu Warbixin ka siiyay Masuuliyiinta uu la Kulmay Horumarka baaxadda leh ee ka Socda Gaalkacyo iyo Hiigsiga Maamulka uu Hogaamiyo.

 

Ad
Previous articleSawiro: Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda deegaanka
Next articleCiidamada Daraawiiishta Galmudug oo Howlgallo ka Fuliyay Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here