Home Wararka Caalamka Midowga Yurub oo IRAN ku ciqaabay Talaabadii ay uga qayb Qaadatay ...

Midowga Yurub oo IRAN ku ciqaabay Talaabadii ay uga qayb Qaadatay dagaalka Ukraine

0

Midowga Yurub ayaa isku raacay cunaqabatayno ka dhan ah saddex shaqsi iyo hal hay’ad oo diyaaradaha drone-ka Iran u qeybinaya Ruushka, kuwaas oo loo adeegsaday in lagu duqeeyo Ukraine, waxaa sidaas sheegay dalka Czech oo hadda haya madaxtinimada ururka.

“Kadib 3 maalmood oo wada-hadallo ah, safiirada Midowga Yurub ayaa isku raacay tallaabooyin hay’adaha qeybinaya drone-ka Iran ee lagu garaacayo Ukraine,” ayaa lagu yiri qoraal ay Czech soo dhigtay twitter.

Cunaqabtaynada ayaa dhaqangeli doonta Khamiista maanta ah.

“Dalalka Midowga Yurub waxay isku raaceen in la hakiyo hantida saddex shaqsi iyo hal hay’ad oo mas’uul ka ah gudbinta diyaaradaha drone-ka,” ayey tiri Czech.

“Midowga Yurub wuxuu sidoo kale diyaarinayaa in cunaqabtaynada lagu sii ballaariyo afar hay’ad oo kale oo horey uga soo muuqday liiska xayiraadaha.”

Ukraine ayaa ku eedeysay Ruushka inay afar diyaarado drone ah oo ay sameysay Iran u adeegsadeen duqeyn Isniintii ka dhacday magaalada Kyiv, waxayna sheegtay in ciidamadeeda ay soo rideen 223 diyaarado drone ah oo ay Iran sameysay tan iyo bartimihii September.

Madaxa Golaha Midowga Yurub Charles Michel ayaa soo dhoweeyey tallaabada isaga oo isku diyaarinaya in hoggaamiyeyaasha 27-ka dal ee Midowga Yurub uu kusoo dhoweeyo shir madaxeed ka dhacaya Brussels.

“Waxaan tallaabo deg deg ah ka qaadnay Iran oo taageereysa dagaalka Ruushka ee Ukraine,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Czech Petr Fiala ayaa sheegay in xayiraadaha “lagu beegsaday shaqsiyaadka iyo hay’adaha soo saara islaamrkaana qeybiya Drone.”

“Tani waa jawaabteena cad ee ku socota taliska Iran ee Ruushka u qeybinaya drone-ka, kuwaas oo loo adeegsanayo in lagu dilo muwadaaniniinta aan waxba galabsan ee Ukraine,” ayuu yiri.

Iran iyo Ruushka ayaa heshiis gaaray 6-dii October markii madaxweyne ku-xigeenka Iran Mohammad Mokhber iyo saraakiil ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah iyo Golaha Sare ee Amniga Qaranka ay booqdeen Moscow, halkaasi oo ay Ruushka kula yeesheen wadahadallo ku saabsan sidii hubkaas loo gaarsiin lahaa.

“Ruushku waxay weydiisteen diyaarado Drone iyo gantaallo ballistic oo dheeraad ah oo shiishkoodu saxan yahay, gaar ahaan gantaallada Fateh iyo Zolfaghar,” ayuu yiri diblomaasi sare oo Irani ah oo lala wadadaagay xogta safarka.

Fateh-110 iyo Zolfaghar ayaa ah gantaallada riddada gaaban, waxayna weerari karaan masaafo u dhaxeysa 300 ill 700 km.

Dhinaca kale, mid ka mid ah diyaaradaha drone-ka ee Iran ay ogolaatay inay Ruushka siiso ayaa ah Shahed-136.

Ad
Previous articleMidowga Africa oo xiliga ay furmayaan wadahadalka dowlada Itoobiya & kooxda TPLF shaaciyey
Next articleMilateriga Myanmar oo ku kacay fal argagax iyo layaab leh & Mareykanka oo si adag uga Hadlay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here