Home Wararka Somaliya Galmudug Nin Xafalad aroos ku Dhiganaayay Guriceel oo Dhaawac Culus la Garsiyay asaga...

Nin Xafalad aroos ku Dhiganaayay Guriceel oo Dhaawac Culus la Garsiyay asaga Iyo Xaskiisa oo uu la aqal gali laha

0

Guriceel: haweeneey ayaa ninkeeda dhaawac xoog leh u geysatey, kadib markii ay tooreey la dhacdey xili uu kujiray galbiska aroos ee xaaskiisa labaad oo uu caawa la aqal gali lahaa, waxaana iyana dhaawac ah gabadhii aroosada aheyd.

Falkan waxaa geystay xaaska weyn oo la sheegay in ay maanta oo dhan qayb ka aheyd dadka ka adeegayey xaflada arooska, Booliiska ayaa soo xiray gabadha dhibka gaysatey halka dhibanaayasha dhaawacaha ah la dhigey isbitaalka Shiffo oo ay dhaqaatiirtu ku howlan yihiin sidii ay ugu sameyn lahaayeen gargaar degdeg ah.

Falkaan ayaa La Xariira Arimo Masayr Waxaana Caawa Hadal Hayn Badan Ka Dhaliyay Magaalada Guriceel oo Falkaan layaab ka leh Ka Dhacay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan shiikh iyo Maraykan oo Ka Wada Hadlay Qaabkii Alshabaab loosoo Afjari lahaa
Next articleFanaanad Ajanabi ah oo Abaal wayn ugashay Soomaaliya oo Geeriyootay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here