Home Wararka Maanta Rizwan Javed oo Da’yar Muslim ah oo badbaadiyay nolosha 29 qof...

Rizwan Javed oo Da’yar Muslim ah oo badbaadiyay nolosha 29 qof iyo abaal-marin muhiim ah oo la siiyay!

0

Wuxuu abaalmarinta MBE ku helay badbaadinta 29 qof oo rabay inay nafta is dhaafiyaan ama naftooda dilaan. Rizwan Javed waa Muslim British ah oo ka shaqeeya saldhigyada tareenada wuxuuna hadda magaciisa uga faa’iideysanayaa inuu maareeyo xaaladdaha adag ee ka dhalata quusta, niyadjabka iyo buuqa oo qofka ugu dambeyn ku kalifta inuu nafta is dhaafiyo.

Javed oo bariga London ku nool wuxuu mar kasta ku dadaalaa inuu qiimeeyo xaaladda qof walba oo soo ag istaaga barta tareenku ka baxo – haddii uu ka dareemo inuu is dili rabo ama uu isku dhigi rabo tareenka, wuxuu isku dayaa inuu la hadlo oo uu dejiyo xaalkiisa.

33 jirkan ayaa baraha bulshada sida Tiktok iyo Instagram ku leh koontooyin uu kula hadlayo dadka la dhiban ama wajahaya xaaladaha adag ee quusta iyo walbahaarka miiran ah.

“Dunida dhexdeeda, bani aadannimadu malahan seero ama soohdin gaar ah – innaga oo aan isku eegeynin diin, waa muhiim inaan keenna xaaladda adag ku jira garab siinno,” ayuu yiri.

Islaamku waa mamnuucay in qofku naftiisa gooyo. Wuxuuna dhiirrigeliyay in Muslimiintu ay isku gurmadaan si midkoodna uusan u dareemin kelinimo iyo in la cidleeyey!

Ad
Previous articleCiidamada Haramcad oo Amar Cuulus lasiiyay
Next articleMid kamid ah Daafacyadii Galmudug oo Geeroyooday Xili Ay Cadaado Koobka Gayn Rabeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here