Home Wararka Somaliya Muqdisho oo lagu Arkay Raisal Wasaare Hore oo Dhex Lugeenaya Wadooyinka. Sawiro

Muqdisho oo lagu Arkay Raisal Wasaare Hore oo Dhex Lugeenaya Wadooyinka. Sawiro

0

Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa la xiray maanta 2-dii duhurnimo, iyada oo sababta lagu sheegay in ay aheyd Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxmuud kuu booqanayay goob kutaalla Muqdisho.

Waddooyinka ayaa lagu arkayay shacab raxan-raxan u lugeyaya oo ay ku jiraan caruur & dad da’ ah, waxaanna joogsaday gebi ahaanba isu socodkii gaadiidka & bajaajyada waddooyinka Muqdisho.

C/waaxid Goon-jeex oo ka mid ah Ra’iasul wasaarayaashii hore ee dalka soo maray ayaa la arkayay isaga oo lugeynaya waddada ka timaada Ex. Baar Fiat ee horumarta Dugsigii sare ee Bartamaha.

Siyaasigan ayaana ka mid noqday dadkii loo diiday in gaadiidkooda waddada ku maraan, waxaana la arkayay isaga oo iska lugeenaya maadaama loo diiday gaarigii uu la socday in waddada maro.

Xiritaanka jiddadka ayaa noqday xaalad ay la qabsadaan shacabka, waxaadna xilliyada ay jiddadku xiran yihiin aad ku arkeysaa qaar ka mid ah waddooyinka dad shicib ah oo si weyn u dhaliilaya Dowladda.

C/waaxid  Goon-jeex ka sokow inuu Soomaaliya ka soo noqday Ra’isul wasaare & Senator, wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta fara kutiriska ah ee astaanta u ah waddaniyada & daljaceylka.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Dhaqdhaqaaq Ciidan markale ka Bilowday Laasacanood
Next articleWAR DEG DEG AH: Horjoogayaal Sar sare oo ka Tirsan Alshabaab oo lagu Qabtay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here