Home Wararka Maanta Ciidamada Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag loo haysto laba kiis oo...

Ciidamada Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag loo haysto laba kiis oo xasaasi ah

0

Taliska ciidanka booliska Soomalaiya ayaa faahfaahin ka bixiyey laba kiis oo loo soo qabtay rag eedeysaneyaal ah, labada kiis ayaa kala ah kufsi iyo dil, ka kala dhacay Muqdisho iyo Baardheere.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id qabtaya ayaa ugu horeyn sheegay inay Muqdisho ku qabteen eedeysane lagu magacaabo Maxamed Cali oo loo heysto kufsi ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Kufsigaan oo maalmihii lasoo dhaafay ku baahay baraha bulshada waxaa ka soo muuqday seddax wiil oo gabar xoogeysa, waxaana hadda Muqdisho lagu qabtay hal eedeysane oo la sheegay inuu baxsad ahaa.

“Eedeysanahaan wuxuu ka mid ahaa seddax nin oo gabar aad u yar tacadi u geystay, kadibna baraha bulshada lagu faafiyey, xogihii ay is dhaafsadeen booliska Baardheere iyo kan Muqdisho ayaa suurta geliyey in ninkaan Muqdisho lagu qabto,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Ehelka gabadha dhibanaha ah ee kusfiga loo geystay ayaa warbaahinta kula hadlay goobtaan, “Waxaan rabnaa in ninkaan naloo geeyo Baardheere, halkii uu dembiga ku geystay waa in cadaaladda lagu mariyo ninkaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada gabadha.

Dhinaca kale afhayeenka booliska ayaa sheegay la soo qabtay askari shalay Kaaraan ku dilay wade mooto Bajaaj, kaas oo cadaaladda la marsii doono, sida uu sheegay Sadiiq Doodishe.

Ad
Previous articleXaafada Rinkeby oo Toogasho ka dhacday Maanta, Faah-faahin laga helay Qofka la toogtay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Shir Deg Deg Ah Isugu Yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here