Home Wararka Somaliya Maxay tahay sababta uu RW Rooble uga baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee...

Maxay tahay sababta uu RW Rooble uga baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta

0

Shirka todobaadlaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, Xubin Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, iyadoo la soo bandhigay qorshaha Korontada dalka.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga, taasoo ku aadan xasilinta iyo howlgallada amniga dalka.

Wasaaradaha ayaa xaqiijiyey in la dardargelinayo howlgallada lagu sugayo amniga iyo nabadeynta dalka, xiligan muhiimka ah ee lagu jiro doorashooyinka.

Shirka Golaha Wasiirrada oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku u soo bandhigtay xaaladihii u danbeeyey ee Caabuqa Covid19 iyo saameynta uu ku yeeshay bulshada, waxayna xukuumaddu boggaadisay dadaalka lagu badbaadinayo caafimaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada.

RW Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo markii hore shirkaas gudoominayey ayaa deg deg uga baxay ka dib markii looga yeeray Xafiiska Madaxweyne Farmaajo sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Ad
Previous articleSawiro:- Maamulka Degmada Gaalkacyo oo bur-buriyay Goobo lagu keedin jiray Qamriga iyo Maandooriyaha
Next articleDowladda Shiinaha oo mamnuucday mid ka mid ah Warbaahinta ugu weyn caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here