Home Wararka Maanta P.MXamza Cabdi Barre oo markale ka hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo...

P.MXamza Cabdi Barre oo markale ka hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo kan Puntland

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markale ka hadlay khilaafka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in aysan garaneyn wax rasmi ah oo maamulka Saciid Deni uu ka tirsanayo dowladda dhexe, islamarkaana ay ka sugayaan madaxweynaha Puntland inuu la yimaado tabashada uu qabo iyo waxa uu rabo.

“Deni intuu noo yimid nama dhihin waxan ayaa qaba, waan sugeynaa intuu noo imaado inuu nadhaho waxan iyo waxan waan ayaa raba iyo waxan ayaa ka gows qabsanayaa isaga ayaa sugaynaa inuu noola yimaado,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza oo wareysi gaar ah siiyay VOA.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay marwalba diyaar u yihiin wada-hadal lagu xalinayo tabashada uu qabo hoggaanka maamulka, “annaga ayaa bilaabeyna wada-hadal lagu xalinayo tabashada jirta.”

Waxa kale oo uu xusay inuu diyaar u yahay inuu safar ku tago Puntland si loo xaliyo wixii mugdi ah ee labada dhinac ka dhexjira, xilli khilaafka labada dhinac uu gaaray meel sare, uuna madaxweynaha Puntland kasoo qeyb-gelin shirarka Madasha Wadatashiga Qaran.

“Wax kasta oo anagu gacanta ku hayno waa u furan yihiin dowladda Puntland, diyaar ayaa u nahay in aan tagno oo xalino wixii ĺa qabo. Waxaa rajeynaynaa in walaalahayaga, gaar ahaan madaxweynaha (Saciid Deni) isfahano.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in xilliga ugu munaasabsan ee lala fariisan karo hoggaanka Puntland ay tahay marka ay dhamaadan doorashooyinka golayaasha deegaanka degmooyinka ee maamulkaas oo hoggaankooda uu ku mashquulsan yahay.

“Xilligaas wixii ka dambeeya in aan iskugu imaan karno arrimaha kale ayay ila tahay, oo diyaar ayaa u nahay in aan xalino haddii Saciid Deni uu sheegayo wax ka maqan Puntland ama isaga shaqsiyan ka maqan diyaar ayaa u nahay.”
Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Abaabul Ciidan ka wada Gobalka Shabeelada Dhexe(Sawiro)
Next articleMareykanka oo xiray nin u basaasayey Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here