Home Wararka Maanta Wadooyinka Dhagaxaanta Ku XIRAN Muqdisho oo la Furaayo

Wadooyinka Dhagaxaanta Ku XIRAN Muqdisho oo la Furaayo

0

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) oo ka qayb-galay kulan dadweyne oo su’aallo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay arrinta xirnaashaha wadooyinka ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay in la qaado dhagxaanta lagu jaray jidadka qaar.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in qorshahaan uu hadda socdo, isla-markaana qayb qayb loo furi doono waddooyinka xiran, si ay u isticmaalaan dadweynaha Soomaaliyeed.

“Marka ka qaadaayo qayb qayb ayaa loo qaadaayaa waxaa la hubsanayaa meeshaan dhagaxa laga qaadaayo shaqadii uu dhagaxa haayay ma dhammaatay? haddii ay dhammaatay waa la qaadayaa waddadiina waa la marayaa,” ayuu yiri wasiir Doodishe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qorshahan uu qaadan doono dhowr bilood, balse dadka Soomaaliyeed ay heli doonaan xorriyad iyo nabad ay ku naaloodaan.

“Waxaan rajeyneynaa dowr bilood kadib inaad magaaladan oo dhagax lahayn aad horay iyo gadaal, habeen iyo maalin aad socotaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.

Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in amniga magaalada Muqdisho uu haatan wanaagsan yahay, isla-markaana la fogeyn doono xeyndaabka haatan yaalla gudaha magaalada, si la’isugu furo waddooyinka oo dhan.

“Maadaama ay hadda amni noqotay xeyndaabkii waa la durjinayaa magaalada waa la’isku furayaa” ayuu markale yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soonmaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka jiray xaalad degnaasho ah, marka loo eego marxaladihii hore, waxaana yaraaday dilalkii, qaraxyadii iyo weeraradii ay horay uga geysan jirtay kooxda Al-Shabaab, taas oo ku timid qorshaha ay la timid dowladda dhexe.

Ad
Previous articleMaamulka puntland oo Bandow kusoo Rogay Deegaanada uu Maamulo Xili uu Garowe Dagaal Ka Dhacay
Next articlePuntalnd oo ka laabatay soo qabshada Siyaasiyiin dhowaan loo jaray warqadda soo xirista

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here