Home Wararka Maanta Dhambaal Hambalyo ah oo ka Yimid Abiya Ahmed oo Madaxweynaha Cusub ee...

Dhambaal Hambalyo ah oo ka Yimid Abiya Ahmed oo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya lasoo Gaarsiiyay(Sawiro)

0

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Itoobiya u fadhiya Somalia Abdulfatah Abdullahi Hassan.

Madaxweynaha ayaa ka gudoomay danjiraha Dhambaal Hambalyo ah oo uu ka waday Rai’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood, gaar ahaan arrimaha amaanka, ganacsiga iyo wax wada qabsiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay wakiilka Qaramada midoobay ee Somalia danjire James Swan.

“Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa, waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia.

Ad
Previous articleSadaam: Xasuusta Qofkii aan Dilay ayaan Xabsiga uga jiri la’ahay’
Next articleCiidamadii ugu Badnaa ee Ukrain u Dhashay oo isku Dhiibay Ciidamada Ruushka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here