Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Madaxii Hay’adda Verenel Association oo Muqdisho lagu...

Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay Madaxii Hay’adda Verenel Association oo Muqdisho lagu Dilay

0

Laba qof oo uu ku jiro sarkaal u dhashay dalka Turkiga ayaa lagu dilay qarax subaxnimadii Khamiista ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Qofka labaad ee ku dhintay weerarka ayaa ahaa Soomaali.

Weerarkan ayaa dhacay xilli gaadiid ay la socdeen shaqaale iyo ilaalo amni oo ka tirsan hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Verenel Association ay ku sii socdeen xeryo ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duleedka Muqdishu.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Tabbeelaha, waxaana dadka baraacayaasha ah ee ku nool xeryo u dhow degaanka Garasbaalay ay u wadeen fitro loogu talo-galay dadka baahan xilliga bisha Ramadaan, sida ay sheegeen booliiska iyo ilo wareed la socda shaqada hay’adda oo codsaday in aan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay la hadlaan saxaafadda.

Baabuurta ay la socdeen ayaa ka baxay laamida, waxaana ku qarxay miino la dhigay waddada dhinaceeda oo loo malaynayo in la hagayey.

Hay’adda Verenel Association ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X oo horey loo oran jiray Twitter ku sheegtay “in sarkaalka la dilay uu ahaa wakiilkoodii Soomaaliya Abdurrahim Yörük.”

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa cambaareeyey weerarkaas, waxaana uu sheegay in dadka la bartilmaameedsaday ay ahayeen kuwo usoo gurmay dadka baahan ee Soomaaliya.

Hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa si weyn usoo galay Soomaaliya wixii ka dambeeyey bishii Ogosto ee sannadkii 2011-ka, markaas oo Muqdishu uu soo booqday Recep Tayyip Erdogan oo xilligaasi Turkiga ka ahaa Ra’iisul Wasaare.

Waxay booqashadaas iyo gargaarkii Turkiga ee daba socday ay gacan weyn ka gaysatay joojinta macluushii waddanka ku dhufatay markaasi.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Si layaab leh uga Jawaabtay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya ee Hargaysa
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Biden oo u hanjabey Raysulwasaraha Israail ee Benjamin Netanyahu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here