Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug Arimo Muhiim ahna...

Qoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug Arimo Muhiim ahna Kala Hadlay

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug oo shir gudoomiyay kulanka Isbuuclaha ah ee Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Dowladda Galmudug oo maanta ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka ayaa warbixino looga dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

Wasaaradda Amniga ayaa soo jeedisay qorshaha dib u xoreynta deegaanada Galmudug, ayadoona sidoo kale wasaaradda Arrimaha gudaha ay soo bandhigtay qorshayaasha xasilinta deegaanadaas (Stabilization strategy).

Ugu danbeyntii, xubnaha Golaha wasiirada ayaa soo bandhigay qorshe howleedka sanadka 2023.

 

Ad
Previous articleHarry Kane iyo Son Heung-min oo xalay jabiyey rikoorkii horyaalka Premier League,
Next articleRuushka oo xabad joojin KMG ah ku dhawaaqay iyo Ukraine oo Diiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here