Home Wararka Maanta Ciidamada Galmudug oo Weerar Qorshaysan Ku dilay Madaxii Jabhadaha Alshabaab ee Mudug...

Ciidamada Galmudug oo Weerar Qorshaysan Ku dilay Madaxii Jabhadaha Alshabaab ee Mudug iyo Galguduud

0

Ciidanka Xoogga iyo Geesiyaasha reer Xarardheere ayaa maanta hawlgal gaar ah ku khaarajiyay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Alshabaab, kaas oo ku soo dhamaaday guul.

Howlgalkan ayaa gudaha loogu deegaanno ay Alshabaab joogtay, iyagoo ku duulaya xogo sirdoon oo si wayn la isugu dubbariday, bartilmaameedka howlgalka ayaa ahaa Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab Mudug iyo Galguduud oo ku lug lahaa weeraro horay uga dhacay goballadaas.

Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha oo xogtooda la hayey, kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, waxaana halkaas lagu khaarajiyey Horjoogihii ay beegsanayeen, kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa Jabhadaha Alshabaab ee Mudug iyo Galguduud.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furteen Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo dhagarqabayaashaasi ay wateen.

Geesiyaasha fuliyay hawlgalkan qorshaysan ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay fariisinkooda oo ahaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Ad
Previous articleNISA oo Dhac iyo Jirdil Ugaystay Wariye Katirsanaa Ciidanka Xooga Dalka oo Dagaaladii Galmudug Qayb Wayn kasoo Qaatay
Next articleMraykanka oo Si Adag Uga Hadlay Weerarkii lagu Qaaday Hotel SYL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here