Home puntland Magacaabida Golaha Wasiirada Cusub oo Socota Wariyaal markale looga yeeray Xaruunta Madaxtooyada…

Magacaabida Golaha Wasiirada Cusub oo Socota Wariyaal markale looga yeeray Xaruunta Madaxtooyada…

0

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xiligan ah mid mashquul ah, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan uu Ra’isul Wasaaraha ku dhawaqao golihiisa Wasiirada.

Wariyaasha ayaa saakay mar kale looga yeery Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana Wariyasaha ay hada ku sugan yihiin Xarunta Madaxtooyafa iyaga oo ka war sugaya in lagu dhawaqao golaha Wasiirada.

Waxaa sidoo kale la diyaariyay hoolka loogu tala galay in ay ka dhacdo munaaabad kooban oo lagu shaacinayo magacyada golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya, waxaana halkaasi gaaraya masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaano iyo qaar kamid ah Wasiirada la magacaabayo.


Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ilaa shalay ku jiray shirar aan loo kala kicin oo looga arinsanayay magacaabista golaha Wasiirada, waxaana shalay la filayay in uu ku dhawaaqo golaha Wasiirada balse waxaa ku yimid dib u dhac aan sababteeda la cadeyn.

Wariyaasha ayaa sahaly marar kala duwan looga yeeray Xarunta Madaxtooyada gaar ahaan xafiiska Ra’isul Wasaaraha , hasa ahaatee waxaa mar kale lagu warglaiyya in ay baaqatay magacaabista golaha Wasiirada.


Waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqo liiska golihiisa Wasiirada, waxaana soo dhamaaday dhamaan wadatashiyadii laga lahaa magacaabista Wasiirada


Liiska golaha Wasiirada ayaa saacadihii ugu dambeeyay laga saaray xubno horey aad loo hadal hayya in kamid noqonayaan golaha Wasiirada, waxaa sidoo kale Wasiirada cusub kasoo dhax muuqan doona xubno si weyn loo yaqaan oo horey xilal kala duwan usoo qabtay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here