Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Aadam Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Saakay La Toogtay

Aadam Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Saakay La Toogtay

0

Maxkamadda ciidamada qeybta maamulka Koonfur Galbeed ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay labo nin oo lagu helay in ay dilal geestay, kuwaa oo horey maxkamadda ciidamada xukun dil ah ugu riday.

Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ayaana saakay lagu toogtay Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ka dhacayay, waxaa sidoo kale goobtajoogay ehelada dadkii ay dileen ragan saakay la toogtay.

Magaalada Baydhabo ayaa marar badan lagu toogtay askar iyo dad kale oo lagu helay in ay dilal geesteen, waxaana wali xabsiyada magaaladaasi ku jira maxaabiis kale oo ku xukuman xukunno dil ah.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan oo ku wajahan Sacuudiga Xili uu Wali Qatar ku Suganyahay
Next articleMasaajid Towfiiq oo La Gubay iyo Cara ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here