Home Wararka Maanta Waa Imisa lacagta uu Farmaajo uga Tagay Khasnada Dowlada?

Waa Imisa lacagta uu Farmaajo uga Tagay Khasnada Dowlada?

0

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa shaaca ka qaaday lacagta ku jirtay qasnadda dowladda, markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiir Beyle ayaa shaaciyay in qasnada dowladda ay ku jirto lacag lagu maareyn karo inta sanadka ka dhiman mushaharaadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.

Beyle ayaa sheegay in lixda billood ee ka dhiman sanadka aysan wal-wal badan ka jirin bixinta mushahaaraadka, haddii wax soo baxaana ay noqon doonaan wax la xalin karo, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladdii hore waxay ka tagtay inay suurta-gal tahay in lixda billood ee soo socda in mushaharka la bixin doono. Wixii aan ku tala-galnya weeyi koley kaalmo waa u baahanahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay go’day 18 billood ka hor lacagta kabka miisaaniyada ee dowladda la siin jiray, taasi oo la filayo in dib loo fasaxo marka xukuumadda cusub la dhiso, maadama ay qabsoomtay doorashadii madaxweynaha.

Doorasho marka la galo wadan kasta wey joojiyaan lacagta kabka miisaaniyada, waxaan ku guuleysanay in aan nagala joojin mashaariicdii oo weli wey socdaan. Koleyba bil unbay wax kasoo go’i jireen oo ku soconay.”

Wasiir Beyle ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay inay muhiim tahay in baarlamaanka uu ansixiyo miisaaniyada ka hor 17-ka bishaan, si ay wax walba u fulaan sidii loogu qorsheeyay

 

 

Ad
Previous articleMaxuu kala hadlay Madaxweynaha Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiyay Dalka Caalamka ?
Next articleSoomaaliga kaliga ah ee ku xirnaa Guantánamo Bay oo la sii deyn doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here