Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in 14 Sarkaal loo Xiray Weerarkii Kulyada Jaale...

Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in 14 Sarkaal loo Xiray Weerarkii Kulyada Jaale Siyaad

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta hortegay Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo golaha horgeeyay heshiis ku aadan ku biirista Somalia ee ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Wasiirka ayaa inta uu ku sugnaa golaha waxay xildhibaanadu ku soo qaadeen weerarkii xanuunka badnaa ee todobaadkii hore ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Ugu horreyn wasiirka ayaa isku dayay inuu diido su’aalahaasi, isaga oo sheegay inuu madal kale uga jawaabi doono, balse guddoonka ayaa ku qabsay inuu ka hadlo dhacdaaasi.

Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa intaas kadib sheegay in uusan marnaba ka carareen mas’uuliyadiisa, uuna diyaar u yahay inuu jawaab waafi ah siiyo baarlamaanka

“Waxaan rabaa meeshaan inaan ka caddeeyo aniga qof mas’uuliyaddiisa ka cararaayo ma ihi, qof golaha inuu hor yimaado su’aalna uga jawaabayo ka cararaayana ma ihi. Guddiga difaaca way joogaan saddex jeer ayaan dalbaday gola weynaha” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Arrinka ah tacsida ka dhacday xerada xanuunka ugu badan qofka uu soo gaarayo waa qofka mas’uuliyadda haayo waayay daqiiqadaas qofka dhaawaca anh inuu daaweeyo laga rabo, meydkana inuu duugo, xanuunbey nagu heysaa”.

Dhanka Kale Wasiir  ku Xigeenka Gashaandhiga Mudane C/fatax Qaasim: ayaa asna Baarlamaanka Ka hor Sheegay “Waxaa la soo xiray 14 qof oo uu kamid yahay taliyihii xerada kuliyadda Jaale Siyaad”.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale shaaciyay xog ku aadan baaritaan qaraxaas, wuxuuna tilmaamay in loo soo xiray saraakiil ciidan, kuwa kalena dabagal lagu hayo.

“Mas’uuliyad darradaas way dhacday dadkii qaaday iyo baarista waa socotaa saraakiil ayaa xiran iyo kuwa kalena su’aallo ayaa ku socdo” ayuu mar kale yiri wasiirka Gaashaandhiga.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Marxuum Maxamed Deeq Madar
Next articleNin 1,400 oo maalmood u xirnaa sawirro uu qaaday darteed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here