Home Wararka Somaliya Somaliland Shir caalami ah oo ay ka soo qayb galeen 14 dal oo...

Shir caalami ah oo ay ka soo qayb galeen 14 dal oo ay Somaliland martigelisay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannanida ugu dhawaaqday ee Somailand, Muuse Biixi, ayaa soo dhaweeyey in shirkan lagu qabto gudaha Somaliland, waxana uu caddeeyey inay taasi caddaynayso xasilloonida iyo amniga ka hana qaaday Somaliland iyo sida ay u tahay bogcad dunidu ku qabto kalsooni buuxda oo dhinac kasta ah.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto dalalka Geeska Afrika, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland u ah fursad weyn oo ay ku muujinayso qaangaadhnimo dawladeed, iskaashi caalami ah iyo kasbashada saaxiibbo cusubba, shirkan iyo kuwo ka waaweyna in lagu qabto u diyaarsan tahay.

Madaxweynuhu waxa si cad u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay dunida wax la qaybsato, iskaashi buuxana la yeelato cid kasta oo ay isku dan noqdaan, islamarkaana ay sii wadi doonto adkaynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka dhinacyada kala duwan ee ay ku hawllan tahay.

Madaxa machadka shirkan qabanqaabadiisa leh, Dr. Greg Mills oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu shirka salka ku hayo amniga iyo dhismaha dawladnimada, waxana uu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu horreeyey ee machadkani ku qabto waddamada Geeska Afrika, islamarkaana ay ka maamul ahaan si buuxda ugu qushuucsan yihiin amniga, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannanida ugu dhawaaqday ee Somailand.

Ad
Previous articleNISA oo Warkasoo Saartay Weerarkii la Sheegay in lagu Qaaday Guriga Fahad Yaasiin
Next articleRuushka: ‘Waxaan soo ridnay diyaarad sidday hub iyo shixnado militari’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here