Home Wararka Maanta Galmudug oo Qaaday Talaabo soo Dadajinaysa in Alshabaab Deg deg looga Saaro...

Galmudug oo Qaaday Talaabo soo Dadajinaysa in Alshabaab Deg deg looga Saaro Guud ahaan Galmudug

0

Maamulka Galmudug oo Dignin Culus udirtay Dadka Qaadka ka Ganacsada ee Geeya Furimaha ay ku Suganyihiin Ciidamda Galmudug.

Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-01-2023, waxa ay Wasaaradda amniga gudaha Galmudug ka mamnuucday deegaannada ay dib u xoreynta ka socdaan in la geeyo Qaad/Jaad, sababo la xiriira caqabad uu ku yahay howlgallada socdo.

Waxa ay wasaaradda u digeysaa ganacstada, gaadiidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta qaad deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug, sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoos taga.

Wasaaraddu waxa ay ogeysiineysaa dhinacyada kor ku xusan in gaarigii lagu qabto isagoo wado Qaad/Jaad ay dowladda Galmudug la wareegi doonto, Qaadka saaran la gubi doono, wadaha gaarigana uu ciqaab adag la kulmi doono.

Ugu dambeyn, waxa ay wasaaradda amniga fareysaa laammaha ammaanka dowladda Galmudug in ay ka howlgalaan dhaqan-gelinta amarkaan, gacantana kusoo dhigaan cid walba ee u hoggaansami weyso.

Arinkaan ayaa Loo Hortagaaya Ciidamada Oo habeenkii oo dhan Jaad cunaaya Kadibna Saq dhexe Seexda Taas oo Alshabaab u Fududaysay inay Aroortii Qaraxyo kuso Weeraraan kadibna Hub badan ka qabsadaan

Ad
Previous articleDawladda Rwanda oo soo riday diyaarad dagaal oo laga lee yahay dalka Congo DR
Next articleDagaal Culus oo Galabtay Ka Dhacay Duleedka Degmada Ceeldheere iyo Saraakiil Sare oo Alshaaab oo Lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here