Home Wararka Maanta Wargayska New York Times oo shalay baahiyey qoraal sir ah oo la...

Wargayska New York Times oo shalay baahiyey qoraal sir ah oo la xariira dagaalkii Black Hawk Down ee 30 sano ka hor maanta oo kale

0

Wargayska New York Times ayaa shalay baahiyey qoraal sir ah oo la xariira dagaalkii Black Hawk Down ee 30 sano ka hor maanta oo kale 03 October 1993 Muqdisho ku dhexmaray ciidanka Maraykanka iyo taageerayaasha AUN General Maxamed Faarax Caydiid.

Wargayska ayaa baahiyey in taliyihii guud ee ciidanka Maraykanka, Gen. Gordon Sullivan uu iska indha tiray qoraal sir ah oo uu Gen. David Meade 15 September oo ku beegneyd labo toddobaad ka hor dagaalka uga digay halista ku soo fool leh ciidanka Maraykanka iyo guud ahaan hawlgalka Qaramada Midoobay.

Gen. David oo ahaa mid ka mid ah labada taliye ee ciidamadii Maraykanka ee Muqdisho ku sugnaa ayaa qoraalka digniinta ah ku sheegay in Soomaaliya ay qarxi doonto, dagaalkuna khasaaro badan gaysan doono, ugu dambaynna Muqdisho ay Soomaalidu la wareegi doonaan.

Gen. David wuxuu warbixinta toos ugu diray taliyaha guud ee ciidanka Maraykanka, isagoo ka booday nidaamka kala saraynta ciidamada maadaama uu u arkayay arrinta mid u baahan wax ka qabad deg-deg ah.

Gen. David wuxuu welwel xoog leh ka muujiyey kala fogaanshaha u dhexeeyey General Jonothan Haw oo ahaa madaxa hawlgalka Qaramada Midoobay iyo Generaal Caydiid, dardarta iyo dhiiranaanta Caydiid, awoodda iyo abaabulka qabiilkiisa iyo degdegga uu ku heli karo ciidan naftooda u huraya difaaciisa iyo dagaalkaba.

Wuxuu ku taliyey in la soo kordhiyo ciidanka Komaandooska ah, la beddelo xeerka hawlgalka ciidanka (rule of engagement), bandow la soo rogo, aragtina lagu toogto qofkii qori lagu arko, haddii kale dagaalka fashal iyo foolxumo ku danbayn doono.

Madaxweynihii Maraykanka Bill Clinton ayaa amray in la soo xiro Generaal Caydiid oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in uu caqabad ku ahaa dhisamaha dawlad Soomaaliya ka dhalata. Clinton wuxuu soo diray ciidamada kumaandooska khaaska ah ee loo yaqaano (Task Force Ranger) kuwaasoo loo xilsaaray in ay ka taqalusaan Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidankiisa.

Ciidankaas waxaa taliye u ahaa Gen. Bill Garrison, waxayna beegsanayeen bartilmaameedyo u dhow General Caydiid iyagoo qaaday lix weerar oo ay qaar ka mid ah ku soo xireen taageeryaal iyo saraakiil u dhow dhow Jeneraalka.

Wargayska ayaa sheegay in mar kasta oo Maraykanku howlgal sameeyo uu sii xumaanayay xiriirka ay la leeyihiin Soomaalida, jawaabta ciidanka Caydiid ay ahayd mid ka dhaqso badan sidii hore.

“Caydiid wuxuu muujiyay in marka ay timaaddo dagaalka magaalada uu isagu dhulka u hari doono,” ayuu qoray General Meade.

03 October, 1993 General Garrison wuxuu amray weerarkii 7aad. Waxay qabteen labo sarkaal oo ka tirsan taageeryaashii Caydiid. In kastoo uusan Caydiid soo qaban, hadana Gen. Bill Garrison wuxuu aaminsanaa inuu horumar samaynayay, guulna laga gaari karo ka takhaluska Caydiid.

Rasaastii Ciidamada Caydiid ayaa haleeshay 4 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, labo waxaa u suura gashay in ay saldhiggooda ku laabtaan halka labadii kale ku dhaceen goobtii dagaalka iyadoo 18 saac oo dagaal ah kadib ay gurmad ahaan ugu tageen ciidamo ka socday Pakistan, Malaysia iyo ciidankii Gen. David si ay u badbaadiyaan ciidamada Maraykanka ee go’doomay.

Ka dib dhimashadii 18 askari oo Maraykan ah, iyo in ka badan 1000 Soomaali ah, General Garrison wuu is-casilay, Clintona wuxuu amray in ciidamada Maraykanka laga saaro Soomaaliya.

Maraykanka xilligaa waxay ku soo guulaystay dagaalkii qaboobaa oo waxaa burburay Soofiyeetkii ay loollanka ku wada jireen, wuxuu kaloo ku soo guulaystay dagaalkii Duufaantii Saxaraha (Desert Storm) ee Sadam Xuseen looga saaray Kuwait. Ma xamili karin in lagu qab jebiyo Soomaaliya, sidaas darteed, Clinton oo looga jawaabi waayey sida ay ku dhacday in Maraykanka oo ciidankiisu dunida ugu awoodda badnaa sidaa loo galo, ayaa go’aasaday in ciidankiisa la baxo.

Wargayska ayaa ku soo gabogabeeyey warbixibtiisa in aan la ogaan karin waxa dhici lahaa haddii la qaadan lahaa talada Gen. David, dagaalka ka hor, ama lagu sii socon lahaa hawlgalka sida uu aaminsanaa Gen. Garrison, waxaase la ogyahay in bixitaankii Maraykanka iyo soo afmeeriddii hawlgalkii Qaramada Midoobay ay 30 sano Soomaaliya baylah uga dhigtay colaad sokeeye, burcad-badeed iyo argagexiso caalami ah.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Djibouti oo u diray caalamka digniin la xiriirta Soomaaliya kana Farxiyay Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleQof Shacab ah oo Goordhow lagu Dilay Deegaanka Xananbuure

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here