Home Wararka caalamka Kuuriyada Waqooyi oo Amar Culus dul dhigtay Dadka Malaysia u dhashay…

Kuuriyada Waqooyi oo Amar Culus dul dhigtay Dadka Malaysia u dhashay…

0

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay dadka Malayshiya u dhashay ee dalkeeda jooga ay ka mamnuucayso in ay safraan, iyadoo ay sii kordhayso xiisadda dublamaasiyadeed ee ka dhalatay dilkii Kim Jong-nam.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegtay in xayiraadan socdaalku ay taagnaan doonto inta si wanaagsan looga xalinayo arrintii ka dhacday dalka Malayshiya.

Kim oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo dibad joog ahaa ayaa Malayshiya lagu dilay bishii hore.

Kuuriyada Waqooyina way diiday eedaymaha sheegaya in ay ka dambaysay dilkaas.

Waxay sidoo kale aad uga soo horjeedsatay baaritaankii Malayshiya ee dilka Kim waxayna diiday natiijadii ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyay maydkiisa kaas oo lagu sheegay in dilka Kim loo adeegsaday kiimikada halista ah ee VX oo neerfaha waxyeesha.

Pyongyang ayaan wali xaqiijinin in maydka la hayo uu yahay Kim Jong-nam waxayse ku sheegtay muwaadin u dhashay Kuuriyada Waqooyi.

Kim ayaa ku safrayay baasaboor uu ku qoran yahay magac ka duwan kiisa.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here