Home Wararka Caalamka Tijaabada Luuqada ee Shaqaalaha oo laga bilaabay Degmooyinka Qaar ee Sweden

Tijaabada Luuqada ee Shaqaalaha oo laga bilaabay Degmooyinka Qaar ee Sweden

0

Tijaabada Luuqada ee Degmooyinka Qaar ayaa ka bilowday Wadanka Sweden iyadoo ula jeedka yahay in Shaqaalaha ka shaqeeya goobaha Daryeelka laga hubiyo luuqadooda.

Dowladii hore ee Sweden ayaa gudi u xilsaartay in baaritaan lagu sameeyo Qaabka tijaabada looga qaadayo Dadka ka shaqeeya xaruumaha Daryeelka Caafimaadka.

Dowlada Cusub ee dhawaan ayaa Heshiiskeeda Tidö waxaa kamid ahaa in Sharuud looga dhigo dadka ka shaqeenaya Xaruumaha Daryeelka.

Degmooyinka bilaabay Sharuudaha luuqada waxaa kamid ah Gällivare, Skellefteå, Sandviken, Filipstad, Lidingö, Kungälv, Katrineholm iyo Malmö

Afarmeelood meel Degmooyinka aan soo xusnay ayaa sheegay in ay jirto dood ku aadan Sharuudaha luuqada ee Shaqaalaha.

Degmooyinka badankooda ayaa ka cabsi qaba in arintan ay u horseedo shaqaalaha oo aad uga yaraada xaruumaha Daryeelka.

Ad
Previous articleWasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland
Next articleWiil Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Dublin kaddibna Meydkiisa la qariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here