Home wararka Dalka Dhageyso Shacabka Boosaaso oo baaq loo diray Xaalada oo wali kacsan…

Dhageyso Shacabka Boosaaso oo baaq loo diray Xaalada oo wali kacsan…

0

Maamulka Gobolka Bari ayaa shacabka Magaalada Boosaaso ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Deganaanshaha Magaaladaasi, maadaama amniga Magaalada Boosaaso maalmihii ugu dambeeyay u muuqday mid faraha ka sii baxayay.

Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) Guddoomiyaha Gobolka Bari oo ka hadlayay amniga Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu sheegay shacabka Boosaaso iyaga in ay nabad gelyada muhiim u tahay, lana doonayo in ay ka shaqeeyaan Deganaashaha Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) ayaa shacabka Magaalada Boosaaso ugu baaqay in dhagaxaanta ay ku jareen wadooyinka qaar ay ka qaadaan, sidoo kalena ay ka shaqeeyaan nabad gelyada Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Halkan Hoose ka dhageyso Codka 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here