Home Wararka Maanta Ilmo yar oo saaka ku dhintay xaafad go’doon ku jirta degmada Buurdhuubo...

Ilmo yar oo saaka ku dhintay xaafad go’doon ku jirta degmada Buurdhuubo oo qubuuro lagu aaso la waayay.

0

Xaalad adag ayaa laga soo sheegayaa xaafadda Muuri ee bariga degmada Buurdhuubo halkaas oo qoysas gaaraya 500 oo qoys ay ku go’doomeen kaddib markii ay burburtay buundadii degmada, biyuhuna ay dhinac kasta ka hareereyeen.

Dadka xaafadda Muuri ku go’doonsan ayaa la soo sheegayaa in cuno yari ba’ani ay hayso, waxana saaka xaalad caafimaad ugu geeriyooday ilmo yar oo lix sano jir ah, sida uu BBC-da u sheegay Cali Cusmaan Maxamed oo kamid ah odayaasha xaafadda.

“Hadda Muuri, xitaa qubuurihii dadka lagu aasi jiray yar iyo weyn dhammaan biyo ayaa fadhiya, ilmaha yar waxan ku aasnay meel aan xabaalo ahayn” ayuu yiri Cali Cusmaan Maxamed.

Degmada Buurdhuubo ayaa kamid ah meelaha sida ba’an ay u naafeeyeen fataahaddaha ka jira Soomaaliya ee ka dhashay roobabka xoogga leh ee da’aya iyo biyaha badan ee ay wadaan webiyada.

Guud ahaan Buurdhuubo ayay biyhu galeen, waxase u daran ayaa la soo sheegayaa xaafadaha bariga degmada ku yaala.

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo(Sawiro)
Next articleXamaas oo sheegtay taliyeyaal looga dilay dagaalka Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here