Home Wararka Maanta Hooyo iyo Laba Caruur ah oo ku Geeriyooday Dab ka kacay Gurigooda...

Hooyo iyo Laba Caruur ah oo ku Geeriyooday Dab ka kacay Gurigooda Xili ay Hurdaayeen

0

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dab gaystay khasaare nafeed oo xalay ka kacay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa si gaar ah u qabsaday guri ku yaalla xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax, wuxuuna kacay abaare 4:00 subaxnimo.

Ciidanka dab-damiska Somaliland ayaa xaqiijiyay in dabkan ay ku geeriyootay hooyo iyo laba carruur ah oo deganaa hoyga uu xalay ka kacay dabka.

Sidoo kale qoraal kasoo baxay taliska ciidanka dab-damiska ayaa waxaa lagu sheegay in gurmad ay sameeyeen kadib lagu soo bad-baadiyay afar carruur ah oo kale.

Ad
Previous articleWaa kuma ninka ay Kenya usoo sharraxday inay Soomaaliya kula tartanto madaxtinnimada Midowga Afrika?
Next articleAlshabaab Oo Qaarna lalaayay Qaar kalana Nolosha Lagu soo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here