Home Wararka Maanta Rag kufsi iyo jir dil u geestay gabar oo lagu qabtay magaalada...

Rag kufsi iyo jir dil u geestay gabar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

Ciidamada booliiska qeybta galbeed ,gaar ahaan kuwa ka howlgalada saldhigga degmada Wadajir ayaa saakay gacanta kusoo dhigay labo nin oo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay geesteen kufsi iyo jirdil.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in labadan nin ee soo xireen lagu eedeeyay in kufsi iyo jir-dil isugu dareen gabar dhallinayro ah, kuwaa oo gacanta booliiska soo galay xilli ay baxsad ku jireen.

Booliiska ayaa sheegay in raggan ay soo xireen ay hadda ku socdaan baaritaano dheeraad ah, waxa ayna tilmaameen marka baaritaannadu dhammaadaan la horgeyn doono caddaaladda si kiiska ay galeen loogu qaado.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa maalmo kahor sidan oo kale gacanta ugu soo dhigay rag lagu eedeeyay kufsi, waxaana shacabka Muqdisho boggaadiyeen shaqada ay u hayaan shacabka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab oo Weerar kula Wareegay Degaanka Daarunimca Dadna ku Gowracay Degaankaas
Next articleRa’isul Wasaare Xamse Barre oo Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here