Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Madaxweynaha IRAN oo war culus soo saaray kadib weerarkii...

Wararkii Ugu Danbeeyey Madaxweynaha IRAN oo war culus soo saaray kadib weerarkii ay xalay ku qaadeen Israel

0

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa Axadda maanta ah ka digay aargudasho “aan laga fiirsan” oo Israel ay ka sameysyo weerarkii xalay ay Tehran ku qaaday ee isugu jiray gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka.

Iran ayaa markii ugu horeysay abid weerar toos ah ku qaaday Israel, ayada oo uu kasii daray dagaalka daahsoon ee mudada dheer u dhexeeya labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaco dagaal kale.

Tehran ayaa marar badan ku hanjabtay inay ka aargudan doonto Israel kadib weerarkii dhimashada badnaa ee 1-dii April lagu qaaday dhismaha qunsuliyadda Iran ee magaalada Dimishiq, waxayna Washington ka digaysay maalmihii la soo dhaafay in jawaabtu ay dhowdahay.

Jawaabta ayaa timid habeenkii Sabtida markii Iran ay dirtay in ka badan 300 oo diyaarado drone iyo gantaallo ah oo ku wajahan Israel, kuwaas oo ay ku dhaawacmeen 12 qof, sida ay sheegeen ciidamada Israel.

Balse inta badan dhammaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa dhexda laga qabtay ka hor inta aysan gaarin Israel, ayada oo gacan laga helayo Mareykanka, Urdun iyo xulafo kale.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay in boqolkiiba 99 gantaalada la soo riday la qabtay, isagoo sheegay in “weerarka Iran la fashiliyey”.

Inkasta oo 170 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo 30 gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles la soo riday ka hor intii aanay Israel soo gaarin, haddana qaar ka mid ah 110-ka gantaal ee ballistic-ga ayaa ku dhacay Israel, sida ay sheegeen ciidanka Israel.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah gabar 12 sano jir ah oo ku sugneyd meel u dhow magaalada Arad ee koonfurta Israel, taasi oo ku jirta xaalad degdeg ah, sida ay sheegtay xarunta caafimaadka ee la geeyay.

Madaxweynaha Iran Raisi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “in haddii maamulka Sahyuuniyadda (Israel) ama taageerayaasheeda ay muujiyaan hab-dhaqan aan ka fiirsi lahayn, ay heli doonaan jawaab adag oo ka sii xoog badan tii hore.”

Dalal badan ayaa cambaareeyay weerarka, islamarkaana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta oo Axad ah uu yeesho kulan deg deg ah oo ay kaga hadlayaan wax loogu yeeray “xaalad si aad ah uga sii dartay.”

Weerarkan ayaa sidoo kale yimid iyadoo isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in xabad joojin looga gaaro dagaalka Gaza uu u muuqdo mid wiiqmay, waxaana Israel ay ku eedeysay Xamaas inay diiday hindise xabbad joojin ah.

Ad
Previous articleWasiirka Cusub ee Amniga Soomaaliya oo Shaaciyay Xiliga Alshabab lasoo Afjaraayo
Next articleFanaankii ay Fahad iyo Farmaajo Dulmiyeen oo Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here