Home Wararka Maanta Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo la wareegay Deegaanka Camaara ee Gobolka...

Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo la wareegay Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa dagaal kula wareegay degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ay oo ay hoggaaminayaan Saraakiil uu kamid yahay Janeraal Saadaq Joon ayaa waxaa ay weerareen degaanka Camaara, halkaas oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inau la wareegeen degaanka.

Saraakiil ka yirsan Ciidamada dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Mudug gaar ahaan degmada Xarardheere oo awood xoogan ku leeyihiin Al-Shabaab.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Ad
Previous articleDagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab oo ka socda G/ Mudug
Next articleDhageyso Dagaal xoogan oo ka socda Gobalka Mudug iyo Shaqsi caan ah oo Hogaaminaya Dagaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here