Home Wararka Maanta Cabsi Xoogan oo Ka Taagan Magaalada Muqdisho Kadib Weerarkii Shalay ee Alshabaab...

Cabsi Xoogan oo Ka Taagan Magaalada Muqdisho Kadib Weerarkii Shalay ee Alshabaab ku Qaadeen Guri ku Yaal Degmada C.casiis

0

Al Shabaab ayaa is badal ku sameesay weeraradii ay ka fulin jirtay magaalada Muqdisho, waxa ayna hadda la yimaadeen xeelad cusub oo halisteeda wadata, taa oo cabsi badan ka abuurtay magaalada Muqdisho.

Xubno katirsan Al Shabaab ayaa shalay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah ku qaaday guri weyn oo kuyaalla degmada Cabdicasiis, gurigan waxaa degnaa sargaal milatari, waxaa  sidoo kale lagu daweenayay rag kusoo dhaawacmay gobolka HIiraan.

Al Shabaab ayaa markii hore weerarada qaraxyada ku bilowda kaddibna rag hubeesan toogasho geestaan ku qaadi jirtay xarumaha dowladda iyo hoteelada, hasa ahaatee waxa ay noqotay qorshe cusub oo kooxdan soo kordhisay weerarkii shalay dhacay.

Weerarkan nuuca cusub ah ayaana dareen badan oo cabsi ah abuuray, waxaana hadda si weyn loo adkeeyay ammaanka guryaha ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin saraakiisha iyo masuuliyiinta kale ee dowladda si uusan u dhicin weerarkii shalay oo kale.

Ciidamada ammaanka ee ku sugan dhismayaasha ay degan yihiin masuuliyiinta sar sare iyo saraakiisha ciidan ayaa heeggan la galiyay, waxaana dhismayaasha gudihiisa la dhigay ciidan kahor taga haddii weerar dhaco oo rag hubeesan dhismayaasha soo galaan.

Al Shabaab oo xilligan wajaheysa dagaal adag iyo duqeymo uga imaanaya ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ayaa isku dayaya in ay bedelaan xeeladooda dagaalka ayna geestaan weeraro halis badan abuuri kara.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan laamaha ammaanka ayaa looga fadhiyaa fashilinta iyo wax ka qabashada dhagaraha cusub ay maleegayaan kooxda Al Shabaab , oo xilligan u muuqata mid awoodeeda milatrai ay sii yaraaneyso.

Ad
Previous articleArdey macalimaddiisa ku dilay tooreey Xili uu Xiisad Bixinaayay
Next articleKhilaaf ka Dhex Jira Dowlada Sweden iyo Xisbiga SD ee ku aadan Heshiisyada hore u jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here