Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheikh oo la filayo inuu caawa ku dhawaaqo Ra’isul Wasaaraha...

Madaxweyne Xasan Sheikh oo la filayo inuu caawa ku dhawaaqo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Xaflad casho ah ku martiqaaday Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, taasoo ka dhaceyso xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Mudug24 usheegaya in Madaxweynuhu ay dhici karto inuu fagaare uga dhawaaqo magacaabidda Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Munaasabadda caawa ama Munaasabad kale ka hor 15 bishan ayaa loo badinayaa iney ku dhacdo magacaabista.

Madaxweynayaashii dalka soo maray ayaa hore u soo saari jiray wareegtooyin ay ku magacaabi jireen ra’iisul wasaaraha ama waxaa wariyayaasha la hadli jiray Afhayeenadooda oo u akhrin jiray wareegtada magacaabista, balse hanaanka uu hada wado madaxweyne Xasan Sheekh ee ah inuu xaflad fagaare ka dhaceysa uga dhawaaqo ayaa ah mid ku cusub dalka.

Inkastoo aanu Dastuurka ku qorneyn in Madaxweynaha uu muddo 30 cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare, haddana dhaqan soo jireen ayay aheyd, iyadoo Axdi Qarameedkii lagu soo dhisay dowladdii KMG ee Imbagathi uu dhigayay in Madaxweynaha 30 cisho gudahood Ra’iisul Wasaare ku soo magacaabo.

Xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh waxaa buuxiyay xubno xil doon ah oo isugu jira kuwo siyaasada ku cusub iyo qaar kale oo hore xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray, waxaana loo badinayaa in ra’iisul wasaaraha cusub uu ka yimaado maamulada Jubaland ama Puntland.

Ad
Previous articleDhageyso Xildhibaanada Gaal-jecel oo fahad yaasiin ku Eedeeyay dilka iyo kiiska ikraan Tahliil
Next articleGudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Afbarwaaqo {SAWIRO}

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here