Home Wararka Maanta Ciidamada Maraykanka ee ka howlgala Soomaaliya Oo Taliye cusub loo...

Ciidamada Maraykanka ee ka howlgala Soomaaliya Oo Taliye cusub loo soo Magacaabay.

0

Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa yeelanaya taliye cusub laga bilaabo Talaadada soo socota.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Jen. Michael Langley ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidamaada Maraykanka ee madow ah ee gaara darajada Jen. afarta xiddigood leh.

Aqalka Sanate-ka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jen. Langley.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in Jeneraal Langley uu xilka kala wareegi doono Jeneraal Stephen Townsend toddobaadka dambe, 9-ka August, magaalada Stuttgart ee Jarmalka.

Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawiya la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah kooxdaas, sidoo kalena tababar siiya qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya

Ad
Previous articleCiidamada Booliska oo Muqdisho ku qabtay Tuugo si Xirfadaysan gaari u dhacday
Next articleWaa kuma ninka Soomaaliya kusoo dhaawacmay ee baddali raba Ayman Al-Zawahiri. Ninkan waxa uu ahaa waardiyaha khaaska ah ee Cusmaa Bin Laadin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here