Home Wararka Caalamka Madaxweyne Ku xigeenka Kenya oo Hogaaminaya Tirada codadka ee Madaxweynaha

Madaxweyne Ku xigeenka Kenya oo Hogaaminaya Tirada codadka ee Madaxweynaha

0

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa hoggaaminaya natiijada tartan adag oo ay ku loollameen hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, sida ay Isniinta maanta ah muujiyeen natiijooyinka ay soo wariyeen warbaahintu, iyadoo ay socoto munaasabadda ku dhawaaqista qofka guuleystay.

Tirinta codbixintii Talaadadii hore oo si gaabis ah ku socotay ayaa walaac ka abuurtay dalkan ugu dhaqaalaha badan Bariga Afrika ee ay soo mareen taariikho dhow oo doorasho ay rabshado ka dhasheen ka dib markii lagu murmay.

Natiijadii 26% ee codadka ay sida rasmiga ah u tiriyeen guddiga doorashada ee Sabtidii la shaaciyay ayaa Odinga waxa uu haystay 54% codadkii la tririyay halka Ruto uu haystay 45%.

Hase ahaatee, tirinta ay sameeyeen Reuters iyo warbaahinta kale ayaa muujinayay in Ruto uu helay 51-52% codadka dadweynaha halka Odinga uu helay 48%.

Xarunta tirinta codadka ayaa waxaa buux dhaafiyay saraakiisha xisbiyada waxaana ka socda xafladda looga dhawaaqi doono qofka ku guuleystay jagada madaxweynaha xiga ee Kenya.

Musharraxa ayaa si uu u guuleysto laga rabaa in uu helo 51% codadka guud ee la dhiibtay.

Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jira sidii ay ku noqon lahaayeen madaxweynaha beddelaya Uhuru Kenyatta, oo aan xilkan u tartami karin maadaama uu labadiisii muddo xileed dhameystay. Kenyatta oo ay isqabteen Ruto ka dib doorashadii u danbeysay ayaa hadda taageeraya Odinga.

REUTERS

Ad
Previous articleRuto oo gaaray goobta looga dhawaaqi doono natiijada
Next articleRaila oo shuruud ku xiray tagista goobta lagaga dhawaaqayo natiijada doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here