Home Wararka Caalamka Booliska Norway oo labo Wiil oo Somali ah u Qabtay Dilka Wiil...

Booliska Norway oo labo Wiil oo Somali ah u Qabtay Dilka Wiil Somali ah

0

Booliska Dalka Norway ayaa labo Wiil oo Somali ah u qabtay Dilka Wiil Somali ah oo dhawaan lagu dilay Caasimada Oslo gaar ahaan Nawaaxiga ay Somalida degto.

Labada Wiil ee Somaliga ah isla markana la qabtay ayaa da’dooda lagu sheegay 31 sano jir iyo 22 sano jir waxana lagu eedeeyay falka dilka ah.

Sida uu baahiyay Joornalka Aftonposten ee kasoo baxa Norway Labada Nin iyo Marxuumka ayuu soo kala dhexgalay muran keenay dilka Wiilka Somaliga.

Booliska ayaa warbixintooda ku sheegay in Labada Wiil ee loo qabtay Falka Dilka ah ay kasoo jeedaan Xaafada Tøyen iyo Grønland isla markana la heynayo 4 Isbuuc ilaa baaritaanka laga soo dhameeyo.

Warbixinta Booliska waxaa kaloo uu ku sheegay in Labada qof ee la qabtay horay loogu xukumay dambiyo kala duwan.

Somaliska Oslo

Xigasho/Aftonposten

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Ka Hadlay Qabashada Degmada aadan yabaal
Next articleCali Guudlaawe oo markii Ugu Horaysay Safar Dhulka aha uga Baxay Muqdisho kuna Taagay Sh.Dhexe(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here